4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Boqor Buurmadow "Hadalkaygii waala siyaasadeeyay"
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Boqor aw Cismaan aw Maxamuud Buurmadow, ayaa sheegay in hadalkiisii uu Alshabaab kaga hadlay u jeedadiisa laga leexiyay oo la siyaasadeeyay isagoo sheegay in uu ka xunyahay cidkasta oo dhibsatay hadalkiisa.

"Waxan halkan idiinku yeedhay in aan sixitaan ku sameeyo hadal aan ka idhi qado beeleed, runtii waxan ka xumahay in loo jeediyay hadalkaygii meel aanu gogol dhiciisu ahayn, ama la siyaasadeeyay, anigu halkan waxan u imid nabad iyo in aan shacbi isu soo dhaweeyo ee in aan shacbi dhibaateeyo uman iman wanan ka xumahay in hadalkaygii si kale loo jeediyay" ayuu yidhi.

Boqorka ayaa sheegay in hadalka buuqa badan dhaliyay uu kaftan uun ka ahaa "Anigu ma aaminsani waxay Alshabaab aaminsanyihiin waxan ka hadlayay qado beeleed ayay ahayd, qada beeleedka madax dhaqameedku markay isku yimaadaan way kaftamaan".

Boqorka ayaa sheegay in uu ka xunyahay cidkasta oo dhibsatay hadalkii uu ka sheegay kooxda Alshabaab, isagoo sheegay in aanu hadalkiisu ahayn mid uu uga jeeday in uu ku dhiirigaliyo xagjirnimada.

"Hadalkayga gundhigiisu maanta waxa weeyi, wax ala wixii shacab ahaa ee dhibaato mabaadii loogu gaystay, mid diineed loogu gaystay, qarax loo gaystay aad iyo aad ayaan uga xumahay hadalkaygaasina muu ahayn dhiirigalin wanan ka xumahay" ayuu yidhi.

Hadal uu Buurmadow jeediyay maalmo ka hor oo uu naxariis ugu rajeeyay hogaamiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa abuuray buuq badan, isla markaana maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dacwaynayaan boqorka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]