4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala hadlay in ay wax ka qabtaan walaaca doorashada laga muujinayo
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay  guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday dowlad goboleedyada in si degdeg ah  ay u billaabaan doorashada aqalka hoose, si looga baaqsado dib u dhaca dambe iyo in doorasho ay gasho jiitan.

Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Kulankan uu raysal wasaaruhu la qaatay madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka dambeeyay kadib markii raysal wasaaruhu uu dhalleecayn kala kulmay midowga musharraxiinta oo ku dhaliilay in raysal wasaaruuhu iska daawanayo musuqa iyo boobka ku socda doorashada uu isagu masuulka ka yahay.

Raysal wasaaraha ayaa digniin kama dambays ah siiyay guddiyada doorashooyinka, wuxuuna sheegay xubintii ama guddigii ku shaqayn waayay habraacxa doorashada in shaqada laga fariisinayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online