4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 27, 2021
Afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu kala doortay Baydhabo iyo Dhuusamareeb


Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana Baydhabo lagu doortay ilaa sadax kursi halka Dhuusamareeb lagu doortay hal kursi.

Doorashada ka dhacday Baydhabo waxaa maanta kursiga koowaad ku guuleystay guddoomiyaha Golaha Shacabka waqtigooda dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo helay codad gaaraya 88 cod, waxaana kula tartamay kursiga tirsigiisu yahay HOP 182  Feysal Ibraahin Xasan.

Doorashada kursiga labaad ee doorashada maanta ka dhacday Baydhabo waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Zakariye Maxamed Cabdi iyo Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ahaa Xildhibaan ku fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP 170, waxaana kuso baxay doorashada kursiga Aadan Saransoor oo helay codad gaaraya 82, halka musharaxii kale Zakariye Maxamed uu helay 12 cod, waxaana halaaway 7 cod.

Kursiga saddexaad ee maanta magaalada Baydhabo lagu doortay oo tirsigiisu yahay HOP 171, waxaa ku guuleysatay Fowsiya Maxamed Sheekh oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay, waxayna heshay Codad gaaraya 84 Cod, halka Khadiijo Maxamed Ibraahin oo la tartameysay ay heshay 13 cod.

Doorashada hal kursi ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug waxaa kusoo baxay Cabdishakuur Cali Mire oo helay 85 Cod, isagoona ku fadhiyey afartii sano ee la soo dhaafay kursiga tirsigiisu yahay HOP 54, waxuuna kaga guuleystay musharaxiin dhowr ahaa.

Cabdishakuur Cali Mire, ayaa helay 85 cod, Cabdulahi Cali Cabdi, 5Cod Cabdirisaaq Cali jaamc, 1Cod Cabdirisaaq Mohamed Cabdi, 0Cod,  Cabdi Hafid Sacdi Jaamac, 1Cod Waxaa halaabay  9Cod.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]