4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 27, 2021
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Somaliland safar ku yimid
 

Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafti uu hogaaminayo, oo safar dhinaca dhulka ah Somaliland kusoo gaadhay, ayaa sheegay in uu u socda sidii Somaliland iyo deegaankiisu iskaga kaashan lahaayeen ka gudbista dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika ka jira.

"Waxaanu u soconaa in aanu masuuliyiinta iyo madaxda Somaliland kala hadalo arrimo la xidhiidha iskaashiga guud, sida dhaqaalaha, isdhexgalka bulshada, tan iyo markii uu isbadalku deegaanka ka dhacay, iyadoo dadku ay horayba walaalo u ahaayeen hadana is badal balaadhan ayaa ka jira dhinaca is dhexgalka" ayuu yidhi Cagjar.

"Somaliland oo ah dad aanu walaalo nahay, dowlad aanu jecelnahay, in xaaladaha geeska ee soo kordhay aanay samayn xun nagu yeelan, dhinaca amnigana sidii loosii adkayn lahaa ayaanu u soconaa".

Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in uu saxaafada la wadaagi doono waxa ay isla meel dhigaan madaxda Somaliland kadib markay kulamo qaataan.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa magaalo xuduudeeda Tog-wajaale kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo saraakiil kale oo xukuumada Somaliland ka tirsan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]