4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Raysal wasaare Rooble: Weriye Cabdicasiis Afrika wuxuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa iyo dadkiisa ugusoo shaqeeyay si geesinimo ah
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta aas qaran u sameysay allaha u naxariistee agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, kaas oo xalay lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo uu geystay qof naftii hallige ah oo katirsanaa Alshabaab.

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa salaada Janaasada kula tukaday masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada meydka allaha u naxariistee Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed Afrika.

Marxuumka ayaa lagu aasay qabuure ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay weriye Cabdicasiis inuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

“Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax argagixisadu la beegsadeen. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka weriye Afrika, iyagoo sheegay in ay ugu aargudeen Xasan Xanafi oo ahaa weriye katirsanaa Alshabaab, kaasoo masuul ka ahaa dilal loo geystay saxafiyiin badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Xasan Xanafi xukun dil ah ku fulisay bishii abril ee sannadkii 2016, kadib markii isagoo baxsad ah lagu qabtay dalka Kenya, iyadoo markii dambena dowladda lagusoo wareejiyay.

Wariye Cabdicasiis Afrika waxa uu ahaa weriyihii wareystay Xasan Xanafi kanasoo saaray macluumaad badan oo ku saabsan Alshabaab iyo sida ay u maleegeen weriyayaashii lagu dilay magaalada Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online