12/7/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
James Swan: Madaxda Soomaaliya waa in ay si degdeg ah u dhameeyaan doorashada aqalka hoose

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku booriyay madaxda siyaasadda dalka in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo in baarlamaanka federaalka la soo doorto ka hor dhamaadka sanadkan si doorashada madaxweynaha ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan.

James Swan ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Arbacadii in horumarka laga gaaray geeddi-socodka doorashada uu ahaa “mid gaabis ah. Sidoo kale, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo diyaar garowga amniga doorashada, loona baahan yahay in la xaqiijiyo qoondada 30% ee kuraasta haweenka ee Aqalka Hoose.

Wuxuu soo dhoweeyay dhameystirka doorashada 54-ka senator ee Aqalka Sare ee baarlamaanka, oo ay ku jiraan 14 haween ah oo u dhiganta 26% guud ahaan aqalka sare.

“In kasta oo horumar la samaynayo, haddana dadaallada hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaaliya waxay u baahan yihiin in toddobaadyada soo socda la labanlaabo si doorashada Baarlamaanka Federaalka ay guul ugu soo dhammaato, si markaas kaddib ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu yiri James.

Swan wuxuu ka digay dib u dhacyada geeddi-socodka doorashada, isagoo sheegay inay hakinayaan horumarka laga gaarayo meelaha kale ee muhiimka ah iyo gaaritaanka mudnaanta qaranka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
11/18/2021 3:18 PM EST
Khamiis, November, 18, 2021 (HOL) - Ciidamo tirradoodu dhantahay 200 oo askar, oo wata 10 baabuur oo tikniko ah, ayaa ka goostay milliteriga Somaliland kuna biiray jabhada SSC ee baryo ka dagaalami jirtay bariga Somaliland.

11/18/2021 12:19 PM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta boob lagula kaco doorashada aqalka hoose, taasoo ay sheegeen in ay ka dhalan karto colaad sokeeye.

11/18/2021 6:00 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa dib gacanta ugusoo dhigtay eedeysanayaal Argagixiso oo ka baxsaday Xabsi kuyaalla dalka Kenya, kuwaas oo hadda lagu xiray Kitui xilli ay ku sii jeedeen Soomaaliya.

11/18/2021 3:45 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Guddiga Hirgelinta Doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay shanta kursi ee ugu horeysa ee la qabanaayo doorashadooda maalmaha soo socda.

11/18/2021 2:21 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegay in guul ugu soo dhamaatay safarkiisii ku aadanaa u kuurgalida howlaha doorashooyinka.

11/18/2021 2:11 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay iney si deg deg ah u bilaabayaan maalmaha soo socda qabashada doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

11/18/2021 2:06 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay toogasho waxay ku dileen nin la sheegay inuu bastoolad ku hubeysnaa, kaaso dil u geystay ka hor inta aanan asaga la dilin nin ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdiqaadir Muudeey oo si weyn looga garanaayay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

11/18/2021 12:36 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo kamid ah senatoradii dhawaan dib loogu doortay aqalka sare ayaa warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ku shaaciyay inuu iska casilay kursiga mar kale loo doortay.

11/18/2021 12:32 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay labadii weerar ee lagu dilay laguna dhaawacay tiro askar iyo dad rayid ah oo ka dhacay Kampala Talaadadii.