4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Dowlada Ingiriiska oo sheegtay in anay Somaliland aqoonsanayn
 

Arbaco, November, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka dowlada Ingiriiska uqaabilsan arrimaha Afrika xildhibaan Vicky Ford, ayaa sheegtay in dowladeeda anay u qorshaysnayn in ay Somaliland aqoonsi siiso, isla markaana arrinta aqoonsiga Somaliland ay u taalo Somaliland iyo Soomaaliya iyo waddamada jaarka la ah.

Wasiir Vicky oo u jawaabaysa warqad uu xildhibaan  Danny Kruger u diray 17 September, oo uu wax kaga waydiiyay aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegtay in UK beesha caalamka kala midtahay in Somaliland iyo Soomaaliya loo daayo in ay go'aan ka gaadhaan mustaqbalkooda.

"Sidad ogtahay UK waxay kala simantahay beesha caalamka in anay Somaliland u aqoonsanin qaran madax-bannaan, siyaasadayadu waxay ku qotontaa in Somaliland iyo Somalia ay go'aan ka gaadhaan mustaqbalkooda, iyo in waddama jaarka la ihi, ay arrintaa hogaankeeda yeeshaan, waanu joogtaynaynaa taageeradayada wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya" ayay tidhi wasiir Vicky.

Vicky ayaa sheegtay intaa badal keeda Ingiriisku uu joogtaynayo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee uu Somaliland la leeyahay, iyo taageerada uu siiyo.

"Si kastaba ha ahaatee, UK waxay joogtaynaysa joogitaankeeda ma guuraan ka ah ee dibulumaasiyeed ee Hargaysa, taageerada UK na waa muhiim, waxaana kamid ah, taagerada kaabayaasha dhaqaalaha, waddo ganacsiyeedka wayn ee Geeska Afrika ee isku xidha Berbera iyo Ethiopia, taageerada la dagaalanka argagixisada, tababarka booliiska iyo ciidanka badda iyo caddaaladda" ayay tidhi wasiir Vicky.

Waxay sheegtay in UK ku faraxsantahay xidhiidhka taariikhiga ah ee ay Somaliland la leedahay, iyo in Somaliland tahay meel guulaysatay oo sifiican loo maamulay.

"UK waxay ku raaxaysatay xidhiidh ka diiran ee taariikhiga ah ee ay Somaliland la leedahay, waxaana ka go'an taageerida barwaaqo la wadaago iyo amaan ay la yeelato dadka ku dhaqan deegaanada Soomaalida, UK aad bay u xiisaynaynaa in Somaliland ay tahay qayb guulaysatay isla markaana, sifiican loo maamulay oo Soomaaliya ka mid ah" ayay tidhi wasiir Vicky.

Waxay hadalkeeda kusoo gaba gabaysay in Somaliland ay sidaa kula shaqaynayaan, ilaa oo Somaliland iyo Soomaaliya ay mustaqbal kooda heshiis ka gaadhaan.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]