Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya Nabaddoon Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho
Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ugu geysteen Suuqa xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid nabadoon caan ka ahaa degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Nuur oo ka mid ahaa waxgaradka magaalada Muqdisho.
Dableyda hubeysneyd ayaa la sheegay in Marxuumka ay ku dhex dileen gurigiisa, islamarkaana ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta kooxdii dilka geysatay.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyadoona meydka nabadoonka la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Mudooyinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaayay dilalka qorsheysan ee loo gaysto qeybaha kala duwan ee bulshada.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway oo sharuud ku xiray bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya
11/17/2021 4:25 PM EST
Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway oo ka walaacsan kalsoonida iyo dib u dhaca geedi socodka doorashada Soomaaliya, ayaa sharuud ku xiray inay bixiyaan dhaqaalaha ay ku taageerayaan qabsoomida doorashada Soomaaliya.
Somaliland oo digniin kama danbaysa siisay dadka kasoo jeeda Koonfur-galbeed Soomaaliya
11/17/2021 2:12 PM EST
Arbaco, November, 17, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland laantiisa gobolka Sanaag, ayaa digniin kama danbays ah siiyay dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan gobolka Sanaag, waxayna sheegeen in ay qab qaban doonaan cidii Somaliland ka bixi wayda.
Dad ku dhintay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa
11/17/2021 2:05 PM EST
Arbaco, November, 17, 2021 (HOL) - Wiil yar ayaa ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargaysa, sida lagu baahiyay warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka dab-damiska Somaliland.
Dowlada Ingiriiska oo sheegtay in anay Somaliland aqoonsanayn
11/17/2021 11:01 AM EST
Arbaco, November, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka dowlada Ingiriiska uqaabilsan arrimaha Afrika xildhibaan Vicky Ford, ayaa sheegtay in dowladeeda anay u qorshaysnayn in ay Somaliland aqoonsi siiso, isla markaana arrinta aqoonsiga Somaliland ay u taalo Somaliland iyo Soomaaliya iyo waddamada jaarka la ah.
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo caawa kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya
11/17/2021 8:45 AM EST
Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Golaha amaanka ayaa Caawa yeelanaya kulan ay uga wada xaajoonayaan xaalada Soomaaliya, iyadoo warbixin laga dhegaysandoono ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Bakool
11/17/2021 7:54 AM EST
Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya qeybta 60-aad ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Dowladda Soomaaliya oo doonaysa Soomaali katirsanayd Daacish oo xiran Suuriya in dalka lagusoo celiyo
11/17/2021 4:15 AM EST
Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo sii deyn lahaa Soomaalida ku biirtay Daacish ee ku xiran xabsiyada ku-yaalla dalka Suuriya, sida uu sheegay Farxaan Gurxan oo ah sii hayaha safaaradda.
Daacish oo kusoo bandhigtay gobolka Bari ee Puntland dagaalamayaal cusub oo tababar milatari ku qaadanaya
11/17/2021 2:42 AM EST
Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Daacish ayaa soo bandhigtay sawirro ay ku muujinayaan dagaalyahannadooda maxalliga ah ee iska diiwaan geliyay Xerada Tababarka ee Sheekh Abu Waliid al-Sahraawi" oo ku taal buuralayda gobolka Bari ee Puntland.
Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida " Uma dulqaadanayno ciddii ku kacda tabinta wararka been abuurka ah"
11/17/2021 2:36 AM EST
Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlayay xaaladda guud ee dalkaasi ku sugan yahay wakhti xaadirkan, ayaa waxa uu sheegay in uu dalkaasi ku jiro xaalad deg deg ah, taas oo ka dhigan in wax badan oo xuquuq ahaa uu hawada ka saarayo bayaanka xaaladda deg degga ahi.
Ciiddamada dowladda Soomaaliya oo burburiyay jidgooyin sharci darro ah oo yaallay gobolka Shabeeladda hoose
11/17/2021 1:20 AM EST
Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeeladda hoose, ayaa burburiyay isbaarooyin sharci darro ah oo koox maleyshiyaad ah ay dhigteen wadada ee isku xirta Muqdish iyo shabeeladda hoose.
Somali News
UK Muslim who died ‘trying to save’ woman’s life hailed as hero
-
AlJazeera
11/17/2021 12:44 PM EST
Ali Abucar Ali, 20, was stabbed to death last Friday while trying to prevent murder of 82-year-old woman in Brentford
UK says will not recognize Somaliland unless it agrees with Somalia on statehood
-
HOL
11/17/2021 6:22 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The UK will not recognize Somaliland as an independent state unless Somalia, Somaliland and African countries initiate the process, a British minister has said.
Three Terror Convicts Escape from Kenyan Maximum Security Prison
-
VOA
11/17/2021 5:35 AM EST
Kenyan security agencies are searching for three convicted terror suspects who escaped from a prison in Nairobi Monday. One of the escapees was involved in an attack on Garissa University in 2015 that killed nearly 150 people.
Somali-owned business wins ‘New Business of the Year Award’ in the US
-
HOL
11/17/2021 1:30 AM EST
WASHINGTON (HOL) - A business owned by three Somalis has won the New Business of the Year award in Seattle, USA.
Turkey donates military vehicles to Somali National Army
-
Anadolu Agency
11/17/2021 1:12 AM EST
The Somali National Army (SNA) received military vehicles, including trucks and ambulances, donated by Turkey on Tuesday as part of Ankara’s support for the nation’s military.
Entrepreneurs help farmers hold back Somaliland’s desert
-
Financial Times
11/17/2021 12:50 AM EST
Mustafa Duale grabs his binoculars to check on 450 camels grazing on what used to be barren land in western Somaliland — an unrecognised state in the Horn of Africa, between encroaching desert and the Gulf of Aden, which declared independence from Somalia in 1991.