4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 16, 2021
Boqor Buurmadow oo Baydhabo tagaya si uu raali galin u siiyo reer Koonfur-galbeed

Talaado, November, 16, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka Somaliland, oo maalmihii u danbaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu Baydhabo tagayo, si uu reer  Koonfur-galbeed uga raali-galiyo tarxiilkii ay xukuumada Somaliland kaga saartay ciideeda.

Buurmadow ayaa sheegay in isaga iyo madax-dhaqameed kale, ay u safrayaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, si ay raaligalin uga bixiyaan tarxiilka.

"Safarkayga waxa ku jirta oo iga go'an aniga iyo odayaashii Dir ee ila socdayba in aanu Baydhabo tagno, oo aanu raaligalino walaalahay, dambi waa dhacaa cida danbiga gaysataa reer Muqdisho ayay noqon kartaa, reer Boosaaso ayay noqon kartaa, reer Hargaysa ayay noqon kartaa lakin, waa akhshaas ciqaab in ay mutaana waa sax, lakin ciqaab wadareed sax maaaha" ayuu yidhi Buurmadow.

Boqorka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xukuumada Somaliland ay masaafuriso shacabka reer Koonfur-galbeed iyagoo aan ogaysiis hore la siisiin,  oo aan lasiin wakhti ay hantidooda ku qaataan.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]