4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2021
Agab loogu talo galay doorashada Golaha Shacabka oo Maanta la geeyay magaalada Baledweyne


Isniin, November 15, 2021 (HOL) - Iyadoo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka mid aheyd deegaanada loo asteeyay iney ka dhacaan doorashooyinka kuraasta Aqalka Hoose ayaa hadana waxaa jirtay mudooyinkii dambe walaac xoogan laga muujinaayay in magaalada Baledweyne lagu qabanaayo doorashada, ha ahaatee walaaca arintaasi maanta ayay soo gabagabowday oo waxaa magaalada la keenay agabkii loogu talo galay qabashada doorashada Golaha Shacabka.

Duqa magaaladda Beladweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin iyo hay’adaha Amniga degmada ayaa maanta la wareegay qalabka loogu talo galay arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka ee lagu qabanayo magaalada Beledweyne.

Duqa degmada Baledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay muhiimada ay leedahay in Doorashada ay ka dhacdo magaalada Beledweyne sidoo kalane ugu baaqday shacabka reer hiiraan ineey ka shaqeeyan nabada iyo sidii loo soo dhaweyn lahaa dadka qeybta ka noqon doona Doorashada.

Doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle ayaa kuraastooda waxay kala taala magaalooyinka Jowhar iyo Baledweyne, waxaana magaalada Baledweyne lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu qabto doorashada 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]