4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2021
Ahlusunna Waljamaaca oo beenisay in ay diiday in hab nabaddeed lagusoo afjaro colaadda Galmudug

Isniin, November 15, 2021 (HOL) - Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa beeniyay war kasoo yeeray sarkaal katirsan ciiddanka dowladda Soomaaliya, oo ku saabsanaa  in ay diideen dhex dhexaadin xal loogu raadinayay sidii loosoo afjari lahaa colaadda kala dhaxaysa Galmudug.

Cabdisalaan Aadan Xuseen oo ah madaxa siyaasada Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka hor yimid war kasoo yeeray sarkaalka dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Ahlusunna ay horey u wada hadleen siyaasiyiin iyo waxgarad ugu yimid waan waan.

Cabdisalaan wuxuu sheegay in sarkaalka ka socday dowladda Soomaaliya aanu jirin wax xal ah oo aan ka ahayn hanjabaad uu ka waday madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.   

“Qodobo uu annaga inooga keenay Galmudug oo hadda la taaan karo ma jirto. Waxaan kaliya aan ka xusi karnaa inuu yiri,” madaxweynaha qaranka, raysal wasaaraha iyo madaxweynaha Galmudug intuba uma diyaarsana inay idin la hadlaan oo wada hadal la idin la furaan. In la idin laayo ama aad meesha isaga tagtaan, wax ka dhaxeeya habo yaraatee ma jiraan” ayuu yiri Cabdisalaan.

Sarkaalka Ahlsunna ayaa sheegay inay wada hadal ugasoo baxeen magaalada Guriceel, haatana ay sugayaan in hab nabaddeed lagu wada dhameysto arrimaha la isku hayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online