4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Isniin, November 15, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaasi u tagay howlo ganacsi waxay ku dileen goobtiisii ganacsi.

Ganacsadaha Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Maxamed, kaaso burcada ay ku dhex toogteen gudaha dukaankiisa oo ku yaala deegaanka Retreat oo ka tirsan magaalada Cape Town.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan goobta lagu dilay marxuumka ayaa sheegay in buracada inta aysan dilin marxuumka ay weydiiyeen lacago baad ah oo uu isna ka biyo diiday inuu bixiyo, islamar ahaantaana ay dhowr xabadood ku dhufteen, dabadeedna ay qaateen waxii yaalay dukaanka.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa kadib waxay tageen halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo sameeyay baaritaano aanan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dalka Koonfur Afrika waxaa maalin walba si bareer ah loogu dilaa ganacsatada Soomaalida, iyada oo dowladda Koonfur Afrika ku guul dareysatay inay wax ka qabato dilalka loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]