4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 14, 2021
Xisbiga Waddani oo cambaareeyay saraakiisha xisbiga Kulmiye ee isasoo sawiray iyaga oo faraha malab kula jira

Axad, Noveber, 14, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa talaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay sawiro ay iyaga oo farta malab kula jira baahiyeen xubno kamid ah golaha wasiirada iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Somaliland ka arrimiya ee Kulmiye 4 sanno guurada kasoo wareegtay doorashadii madaxweyne Biixi.

Xogeeya oo waraysi siiyay MMTV, ayaa sheegay in shacabka caadiga ahi ay fikir kooda u cabiri karaan habka iyo hannaanka ay doonaan lakin, madaxda xisbiga Kulmiye iyo xukuumada ay ceeb ku tahay in ay isasoo sawiraan iyaga oo faraha malab kula jira.

"Dadka taageerayaasha ahi ama far ha dhunkadan, malab ha galiyaan ama ha qaniinaane, qofka taageeraha ahi isaga xor u ah siduu fikir kiisa u cabirayo, lakin masuuliyiin qaran oo galaha wasiirada ku jra, masuuliyiin qaran oo xisbiga talada haya xilal sare ka haya waxan is leeyahay ceeb iyo magac xumo ayay ku tahay" ayuu yidhi xogeeye Khadar.

Xogeeyaha ayaa ku andacooday in farta ay saraakiishu malabka galiyeen anay ka turjumayn wax qabadka xukuumada Kulmiye lakin, loo baahanyahy isla xisaabtan dhab ah, iyo in la is waydiiyo waxa u hirgalay xisbiga Kulmiye.

"Far malab la galiyaana macno ma samayso, far la qaniinaana macno ma samayso lakin, waxa macno samaynaya maanta madaxweyne Muuse 4 sannadood buu joogay, dowladnimadeeni muxuu ka qabtay, saboolnimadii muxuu ka qabtay waddooyinkii iyo kaabayaashi muxuu ka qabtay, aqoonsigii muxuu ka qabtay" ayuu yidhi xogeeye Khadar.

Shacabka Somaliland ee ku kala aragtida duwan siyaasada madaxweyne Biixi, ayaa qaarna baraha bulshada ku baahiyeen sawiro ay farta qaniinsanyihiin, qaarna iyaga oo faraha malab kula jira, waxaana kasoo muuqday saraakiil ka tirsan xukuumada Somaliland iyo xisbiga Kulmiye kadib 4 sano guurada kasoo wareegtay doorashadii madaxweyne Biixi ee 13, November, 2017.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]