4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 14, 2021
Maraykanka oo sheegay in qidmadaha laga qaado musharraxiinta ay ku filan yihiin in lagu maalgaliyo doorashada Soomaaliya

Axad, November 14, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in khidmadaha diiwaangelinta musharraxiinta iyo qaaraanka beesha caalamka ay ku filan yihiin in lagu maalgeliyo doorashooyinka Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxay soo dhaweysay dhameystirka doorashada Aqalka Sare ee shalay, waxayna sheegtay in la joogo waqtigii lagu baaqi lahaa in la soo gaba gabeeyo doorashada golaha Shacabka ka hor dhamaadka 2021-ka.

Malaayiin dollar ayaa dowladda Soomaaliya ugasoo xarooda doorashooyinka labada aqal ee barlamaanka, taas oo haddii si taxadar leh loo maareeyo khidmadaha diiwaangelinta musharraxiinta gacan ka geysan karaan maalgelinta Doorashooyinka.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in dhaqaalaha ku bixidoona doorashooyinka uu gaarayo 26milyan oo dollar, lacagtaas oo ay dowladdu badi ka sugayso beesha caalamka.

Maraykanka ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee bixiya dhaqaalaha lagu taageero Soomaaliya, waxaase sanadihii ugu dambeeyay muuqanayay in taageerada caalamka ay sii yaraanaysay, kadib burburka dhaqaale ee ka dhashay safmarka Coranavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online