4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 14, 2021
Taliska ciidanka Xoogga dalka oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay degmada Baraawe
 

Axad, November 14, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay weerar xoogan oo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya waxay sheegeen iney u diyaarsanayeen weerarka Shabaab kaga yimid, islamarkaana ay khasaaro xoogan gaarsiyeen.

War ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay weerarka ku dileen shan ka mid aheyd dagaalyahanada Al-shabaab, hubkii ay wateena ay gacanta ku dhigeen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay idaacadda ciidanka Qalabka Sida ayaaa sheegay in ciidanka xoogga dalka markasta u diyaarsan yihiin ka hortaga weerarada ay markasta kusoo qaadaan Al-shabaab.

Degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose waxay ka mid tahay magaalooyinka loo qorsheeyay iney ka dhacaan doorashooyinka Aqalka Hoose oo la filayo iney dhawaan si rasmi ah u bilaawdaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]