4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 14, 2021
Jubbaland oo ku eedeysay dowladda federalka in ay hortaagan tahay in gurmad la gaarsiiso gobolka Gedo
 

Axad, November 14, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay ciiddamada dowladda federalka ee ku sugan gobolka Gedo in ay kasoo horjeedaan in maamulka Jubbaland gurmad u fidiyo shacabka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolkas.

Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi siiyay BBC-da laanta af soomaaliga ayaa sheegay hay’addaha samafalka ee Jubbaland in aanay awood u lahayn in ay dhaqdhaqaayo ka sameyn karaan Gedo, isagoo sheegay in dowladda federalku siyaasadaysay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen.

“Gedo, waxaa ka jira ciiddan si sharci darro ah ugu afduuban, in wax laga qabtana dhib ayay keenaysaa, sababtoo ah cid kaste oo wax qaban lahayd, wajiyo kale ayay u sameeyeen,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu codsaday in la kala saaro aragtida lagu kala duwan yahay iyo bini’aadanimada, isla markaana wuxuu sheegay in haatan la joogo waqtigii loo gurman lahaa dadka ku dhibaataysan gobolka Gedo.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ku dhufatay abaaro aad u daran, kuwaas oo sameeyay dadka reer miyiga ah, waxaana dhawaan baaq degdeg ah kasoo saaray raysal wasaaraha Soomaaliya.

Raysal wasaaraha ayaa beesha caalamka ka codsaday in loo gurmado dadka abaaruhu ku saameeyeen Jubbaland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online