4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 13, 2021
Afhayeenka Waddani "4 sanno ayaa buuxsamay oo shacab baddani fartooda dhexda ka qaniinayeen"
 

Sabti, Noveber, 13, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in 4 tii sanno ee uu madaxweyne Biixi xilka Somaliland hayay ay dadkii u codeeyay ka qoomameeyeen, isagoo shacabka u balan qaaday 5 sanno oo barwaaqo ah haday Waddani u codeeyaan doorashada 2022.

Batuun ayaa shacabka Somaliland usoo jeediyay, in ay fartooda ku badalaan xukuumada maanta joogta, oo uu sheegay in shacabkii doortay ay farta dhexda ka qaniinsanyihiin qoomamo awgeed.

"Waxanu usoo jeedinaynaa shacabka sharafta leh ee Somaliland in ay u diyaar garoobaan doorashada madaxtooyada, oo fartooda ay ku cumaadadan hogaamiye horseedi karaya horumarka Somaliland,  maanta 4 sanno ayaa buuxsamay oo shacab badani ay fartooda dhexda ka qaniinayeen, lakin waxan bilaabmaya 5 sanno oo shacab badani fartooda malab ka leefi doonaan" ayuu yidhi Batuun.

Maanta waxay ku beegantahay 4 sanno guurada kasoo wareegtay markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dhacday 13, November, 2017, waxaana jira qaar kamid ah dadkii u codeeyay madaxweyne Biixi oo sheegaya in ayna ku qancin xukunka Biixi, halka qaar kale ay sheegayaan in ay la dhacsanyihiin.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]