4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 13, 2021
Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo gacanta kusoo dhigay 7 nin oo dilal qorshaysan ka geystay koonfurta Mudug
 

Sabti, November 13, 2021 (HOL) - Ciiddamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay todobo nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Dhegtuur ee koonfurta gobolka Mudug.

Raggan ayaa la sheegay inay dilka u geysteen hab aanooyin qabiil ah, waxaana howlgal qaatay siddeed cishe ah lagu guulaystay in maalintii shalay dhammaantood gacanta lagusoo wada dhigay.

Waxaa lagu eedeynayaa in ay saddex qof dileen. Sidoo kale laamaha amniga ayaa soo xiray waalidiinta raggaan oo loo haysto in ay qeyb ka qaateen baxsadkooda, kadib ay markii falka geysteen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiisha amniga ayaa farriin u diray cid kasta oo isku dayda in ay dil u geysato qof shacab ah oo aan waxba galabsan, waxayna masuuliyiintu wacad ku mareen in sharciga la horkeeni doono dhammaan raggaan.

Koonfurta gobolka Mudug, waxaa kusoo laalaabtay colaadaha salka ku haya aanooyinka qabiil. Hase yeeshee maamulka gobolka Mudug iyo waxgaradka deegaanka ayaa isla qaatay in qofkii dil geysta gacanta lagusoo dhigo sharcigana lagu fuliyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online