4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 13, 2021
Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadlay xariga wariyayaal dhawaan lagu xiray magaalada Jigjiga
 

Sabti, November 13, 2021 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay xariga saxafiyiintii dhawaan ay dowladdu xirtay iyaga iyo tvgii ay ka howlagalayeen ee Nabad tv, ayaa khalad ku tilmaamay in hal warbixin loo xiro wariyayaal dhawr ah.

Sidoo kale waxay sheegeen in warbixinta saxafiyiinta loo haysto ay dowladdu ka eegtay dhanka khaladka, xumaana u arkeen, wariyihii soo diyaariyay warbixintana uusan islahayn khalad ku gayso, balse dadkii ka dhex hadlayay warbixinta ay qaarkood u hadleen si caadifad ku jirto, waa siday hadalka u dhigtay Ayaan Shukri oo ah Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Geesta kale waxay ururku sheegeen inay u samaynayaan saxafiyiintan xiran Qareen u dooda, kana difaaca dambiga loo hasto, iyagoo xusay inay caddaalad helayaan saxafiyiintan xiran.

Wariyayaashan xiran ayay dowladdu dhawaan soo qabatay iyagoo ku sugan goobtoodii shaqo ee NABAD tv, xilli ay ku guda jireen hawlahoodii shaqo, waxayna dowladdu usoo qabatay wariyayaashan warbixin uusoo diyaariyay mid kamid ah wariyayaashan xiran, taas oo ka hadlaysay wada noolaanshaha qowmiyadaha ee gudaha dowlad degaanka Soomaalida, iyo siday Soomaalidu ugu dhex nool yihiin degaannada kale ee Itoobiya.

Nabad tv oo ahayd muqbaahiyaha ay warbixintani ka baxday ayaa isna wali albaabadu u xiran yihiin, isagoo wali hawada ku jira tvgu.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]