4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 12, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya haweeney goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Jimco, November 12, 2021 (HOL) - Dableey bastoolado ku hubeysnaa ayaa maanta agagaarka Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan waxay toogasho ku dileen qof haweeney ah.

Haweeneyda kooxaha hubeysan ay dileen ayaa magaceeda lagu sheegay Dahabo Jimcaale Tooxow, waxaana wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in haweeneyda ay ka tirsaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ragga hubeysnaa ay haweeneyda ku toogteen meel aan sidaa uga fogeyn gurigeeda, waxayna si deg deg ah uga baxsadeen goobta dilka ay ka geysteen.

Dilka haweeneydaan loo geystay ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho kusoo kordhayeen dilalka qorsheysan oo loo geeysanayo askarta ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]