4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 10, 2021
Madaxweynaha Galmudug oo soo saaray Liiska Musharaxiinka ku tartameysa kuraasta ka dhineyd Aqalka Sare
 

Arbaco, November 10, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa soo saaray liiska xubnahii ka harsanaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ku matalaya maamulka Galmudug.

Kuraasta ka dhineyd doorashada Aqalka Sare ee maamulka Galmudug oo aheyd labada kursi ee uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa ku wada tartami doono ilaa afar Musharax.

Kursiga koowaad waxaa ku wada tartami doona Musharaxiinta kala ah Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid) iyo Cawil Nuur Cali, halka Kursiga labaadna ay ku tartami doonaan Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Wali lama shaacin waqtiga la qabanaayo doorashada labadaan kursi ee ka dhinaa doorashada kuraasta Aqalka sare oo tiro ahaan Galmudug ka koobneyd sideed kursi, waxaana la filayaa in dhawaan si deg deg ah loo qabto, maadama maamulka Galmudug uu yahay maamulka kaliya ee doorashada Aqalka sare aanan soo dhameystirin, halka maamulada kale ay sheegeen iney u diyaar garoobeen qabashada doorashada Aqalka Hoose.

Hoos ka akhriso Liiska madaxweyne uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]