4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Wasiirka Beeraha Hirshabeelle oo walaac ka muujiyay xaalada Fatahaada Jowhar
 

Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Beeraha Maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cumar Ceymooy ayaa walaac xoogan ka muujiyay fatahaad ku dhufatay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar iyo Nawaaxigeeda.

Wasiir Ceymooy ayaa sheegay in fatahaad lama filaan ah aay ku dhufatay Jowhar iyo tuulooyin ku teedsan taasoo saameyn weyn oo dhanka nolosha ah ku yeelatay dadka beeraleyda.

"Fatahaada waxay timid xili aanan la filaneyn, wabiga ayaan jabsaday meelaha uu ka jilcanaa waxayna sababtay khasaare kala duwan oo soo gaaray beeraleyda oo sanadkan ku tashanayay iney goostan dalagyo wanaagsan, si aay uga soo kabsadaan dhibaatoyinkii hore ee u geysteen fatahaadii hore, balse markale ayay la kulmeen khasaaraha fatahaada oo dhamaan dalagyadii way ka baaba'een"ayuu yiri wasiir Ceymooy.

Wasiirka Beeraha Hirshabeelle Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay in magaalada Jowhar aay qarka u saaran tahay iney go'doomiyaan biyaha wabiga Shabeelle oo afarta dhinac ku baxay.

Wasiir Ceymooy ayaa ugu baaqay dadka kasoo jeeda deegaanada Hirshabeelle iyo Hay'adaha gargaarka iney usoo gurmadaan dadka aay saameysay fatahaada Jowhar oo aay ugu sii daran yihiin beeraleyda.

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar aay xili habeen bar ah ka war heleen biyaha wabiga Shabeelle oo dhex yaacaya xaafadahooda kadib markii uu si lama filaan ah karkaarada ku jabsaday wabiga Shabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]