4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Midowga Afrika oo soo dhaweeyay in Soomaaliya ay ku soo laabato geedi socodka doorashooyinka
 

Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa bogaadiyay go'aankii dhowaan uu soo saaray baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17 September 2020.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go'aanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dib loogu soo celiyey Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 oo saldhig u ahaa doorashooyinka soo socda, kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha Guddiga ayaa ku amaanay  Madaxweyne Farmaajo inuu hormariyey danaha dadka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo soo dhaweeyay doorka hogaamineed ee loo igmaday Ra'iisul Wasaaraha si loogu diyaar garoobo doorashooyin nabdoon, lagu kalsoonaan karo oo hufan laguna xaqiijiyo amnigooda.

Moussa Faki ayaa markale ku celiyey baaqiisa ah in si deg deg ah loogu laabto wada hadalka iyo gorgortanka. Wuxuuna sheegay midowga Afrika in ay ka go’an tahay taageerada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee geeddi-socodkan.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa 20- ka bishaan Muqdisho dhigay gogol ay ku wada hadlayaan  dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada,  si looga dooddo dhameystirka heshiiska doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online