Khamiis May, 27, 2021 ( HOL ) - Madaxweynaha Masar , Abdelfatah Al Sisi ayaa maanta booqasho rasmi ah ku gaaray Dalka Jabuuti , si uu kulan madaxeed ula yeesho dhiggiisa Jabuuti , Ismaaciil Cumar Geelle oo halkaa ku soo dhaweeyay.
newsinsideBooqashadan ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah iyadoo uusan jirin madax dowladeed oo Masar ah oo waligood booqday Jabuuti.
newsinsideBooqashadan ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah iyadoo uusan jirin madax dowladeed oo Masar ah oo waligood booqday Jabuuti.
Sida uu cadeeyay Afhayeenka Madaxtooyada Masar , Bassam Rady, wadahadaladu waxay noqon doonaan xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo heerarka militari.
Taasi waxaa dheer sii wadista wadatashiyada iyo isdhaafsiga fikradaha ku saabsan horumarka muhiimka ah ee arrimaha gobolka ee danaha wadaagga ah.
Arbacadii, laba diyaaradood oo militariga Masar ah oo siday raashin iyo gargaar caafimaad ayaa tagay Jabuuti si ay u taageeraan waddamada kale ee Afrika ee wajahaya COVID-19.
Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]