4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 15, 2021
Madxweynaha Jabuuti oo maanta la Caleema saarayo iyo madax kala duwan oo ka qeybgaleysa
 

Sabti, May, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta lagu wadaa markii shanaad in loo caleema saaro xilka madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, kadib markii uu ku guuleystay madaxtinimada dalkaas bishii la soo dhaafay.

Madax kala duwan ayaa ka qeyb galeysa Munaasabadda Caleema saarka madaxweyne Geelle, waxaana madaxdaasi ka mid ah Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waliba Raysal wasaarayaasha dalalka Itoobiya, Rwanda, madaxweynaha Guine, madaxweynaha Kenya, madaxweyne ku xigeenka Suudaan iyo waliba xubno sare oo ka socda wadamada Ugandha,  Pakistan, Turkey, France iyo Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Geelle ayaa doorashadii uu ku guuleystay bishii la soo dhaafay helay codad gaaraya 98.41% codadka dadweynaha reer Jabuuti, inkastoo musharaxii la tartamay ee ahaa ganacsade Zakariye Ismaaciil Faarax uu helay 1.59% tirada guud ee doorashadii uu kula tartamay madaxweyne Geelle.

Gabagabadii madaxweyne Geelle ayaa maanta markii shanaad loo Caleema saaraya madaxweynaha dalka Jabuuti oo uu soo xukumaayay tan iyo waxii ka dambeyay sanadkii 1999-kii.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]