4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 13, 2021
Hirshabeelle oo eedeysay Wasaarradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta Dowladda Federaalka

 

Khamiis. May, 13. 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa eedeyn ballaaran loogu jeediyay Wasaarradda Maaliyadda iyo Qorsheynta Dowladda Federaalka oo la sheegay in ay is hortaageen maalyiin doollar oo loogu talagalay in wax lagaga qabto fatahaadaha ku noqnoqday deegaannada dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Qoraalka ayaa lagu yiri in Hirshabeelle siweyn uga xun tahay in Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorsheynta ay caqabad ku noqdeen fududeynta iyo sii deynta qarashaad wax looga qaban lahaa xaalada hadda ka jirta deegaannada Hirsahbeelle ee fatahaada

Eedeynta ayaa daba soctay qoraal kol hore boggiisa twitter uu soo dhigay madaxweynihii  hore ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo sheegay in dowladda is hortaagtay $ 35 milyan oo dollar oo aduun weynuhu ugu talagalay in wax lagaga qabto dhibaatada fatahaadu ay ku heyso Hirshabeelle.

 

 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]