4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 12, 2021
Shirkada diyaaradaha ee Kenya oo ka jawaabtay wararka sheegaya in ay duulimaadyo ka bilaabayso Hargaysa 28 May

Arbaco, May, 12, 2021 (HOL) - Shirkada duulimaadyada Kenya oo ka jawaabaysa wararka sheegaya in ay duulimaadyadeda Hargaysa bilaabayso 28 May, ayaa sheegtay in qorshahaasi wali hakad ku jiro, oo ay dhimanyihiin ogolaasho iyo caddaymo.

Qoraal ay shirkadu soo saartay ayaa lagu yidhi “shirkada diyaaradaha ee Kenya waxay jeceshahay in ay caddayso in qorsheheeda bilaabida duulimaadyada Hargaysa, Somaliland iyo Nayrobi, Kenya uu wali hakad ku jiro oo ay sugayaan ogolaansho”.

“Si ka duwan wararka wareegaya baraha bulshada ma jiraan wax duulimaadyo ah oo hada shaqaynaya”.

Jawaabta shirkada ayaa timid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay warbaahinta qaarkeed qortay warar la xidhiidha, in shirkada diyaaradaha ee Kenya ay duulimaad yadeeda Hargaysa bilaabayso dhamaadka bishan May.

 

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]