4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 10, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay madaxda axsaabta siyaasada, guddida doorashooyinka iyo maxkamada sare
 

Isniin, May, 10, 2021 (HOL)- Kulan uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxda mucaaradka, guddida doorashooyinka iyo bahda maxkamada sare ayaa lagu naaqishay sidi doorasho lagu wada niyadsanyahay u dhici lahayd.

Warmurtiyeed kasoo baxday madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in saddexda xisbi ku heshiiyeen in wakhtiga olloluhu uu noqdo 6 cisho oo kaliya, oo xisbi waliba 2 maalmood ollolaha galayo.

Warsaxafadeed ka ayaa waxa kale oo lagu xusay in madaxda axsaabta mucaaradku ay hoosta ka xariiqeen in ay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin qabsoomida doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in hadii ay qaddar Alle oo aan la filayn ama dacwadi timaado xiliga doorashada ay ugu horayn xalkeeda gali doonan xubnaha koomiishanka iyo xisbiyada ee goobta jooga.

Hadii ay kariwaayana waxay u gudbaysa koomiishanka doorashooyinka hadii ay xalin kariwayana waxa ka wakiila xisbiyada ayaa lagu yidhi warsaxafadeedka.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaariyeen Kharashkii iyo ilaalinta dhammaanba goobaha ay doorashadu ka qabsoomi doonto, isaga oo bulshada reer Somaliland-na usoo jeediyey inay doorashada u diyaar garoobaan, ayaa warsaxafadeedd lagu soo gaba gabeeyay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]