4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Faahfaahin kasoo baxeysa qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Balcad
 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/ dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu halkaasi ka dhacay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.

Qaraxa miinada ayaa la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee iskuulka sare ee degmada Balcad, kaasoo uu ka socday Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Hal askari oo ka mid ahaa askartii ilaalineysay iskuulka imtixaanka ka socday ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa miino oo dhacay xili imtixaanka u fadhiyeen ardayda, kaaso la sheegay inuu argagax ku beeray ardayadii imtixaanka u fadhisay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Balcad oo ku saabsan qaraxa miino ee maanta ka dhacay afaafka hore ee iskuulka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]