6/20/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Xafiiskiisa Danjiraha Imaaraadka Carabta


 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed axmed Alcuthman.

Kulanka Raysal wasaare Rooble iyo Dannire Alcuthman dhexmaray ayaa looga hadlay arrimo badan oo aay ka mid ahayeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wax ka qabashada xaaladaha ka dhashay fatahaada uu dhawaan ka sameeyay wabiga Shabeelle degmada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaada.

Danjire Axmed Alcuthman ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay soo dhaweeynta uu u sameeyay, isagoona balan qaaday iney dowladda Soomaaliya ka caawin doonan dhan walbo oo horumarka ku saabsan.

Kulanka maanta dhexmaray Rooble iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta ayaa imaana iyadoo wali uusan wanaagsaneen xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxuuna noqonaya kulankaani mid muujinaya isu soo dhawaasho ka badalan celaaqaadkii horay uga dhaxeeyay labada dal.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/7/2021 3:53 PM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - 25 kamid ah 28 haween ah oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka, ee 31 May looga dareeray Somaliland, ayaa ku guul daraystay in ay ku soo baxaan jagooyinki ay u ordayeen.

6/7/2021 10:49 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Maaliyaddeed ee Imaaraatka Carabta ayaa la saxiixatay heshiis is afgarad ah waaxda Sirdoonka Maaliyadeed ee Bangladesh iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

6/7/2021 10:17 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siinayay BBC Somali, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay afduubayaan xoriyada mudanayaasha lasoo doortay.

6/7/2021 9:31 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/ dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu halkaasi ka dhacay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.

6/7/2021 8:15 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Amniga maamulka Jubbaland oo bishiiba mar qabsoomo kaasoo looga hadlo xaalada amaanka guud ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

6/7/2021 5:41 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabay guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo Barakacayaasha.

6/7/2021 1:06 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Ilaa lix Caruur ah oo kusoo dhaawacmay duqeymo culus oo diyaaradaha Kenya dhawaan ka geysteen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.