4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 6 , 2021
Booliiska Soomaaliya oo sheegay iney gacanta ku dhigeen nin dhawaan Xaaskiisii ku dilay Muqdisho
 

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen eedeysane Bashiir Cabdi Xasan oo dhawaan la sheegay inuu Xaaskiisii Salaado Faarax Cali uu ku dilay degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir.

Afartii bishan ayay aheyd markii la sheegay in eedeysanaha uu dilay Xaaskiisa, waxaana intaas kadib ku raad joogay Booliiska Soomaaliya oo ugu dambeyn galabta sheegay iney gacanta ku hayaan.

Qoraal kasoo baxay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in eedeysanaha gacanta lagu haayo islamarkaana cadaaladda la horkeeni doono.

"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hada gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali  ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021.
Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay in  magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo. " ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishe

Booliiska Soomaaliya ma shaacin halka laga soo qabtay eedeysanaha dilay xaaskiisii iyo waliba sida loo soo qabtay, eedeysane Bashiir Cabdi ayaa la sheegay inuu macalin iskuul ka ahaa Iskuulka Hanti-wadaag ee degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir.

Dhacdadan uu ninkan macalinka iskuul ahaa ku dilay xaaskiisa ayaa noqotay mid walwal iyo walaac xoogan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho oo aad u hadal haayay labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]