4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 6 , 2021
AMISOM oo bayaan kasoo saartay Duqeymaha ciidamada Kenya ka geysteen Gobolka Gedo
 

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa jawaab kasoo saaray bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku saabsan in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo aan kala sooc lahayn la beegsadeen dadka rayidka ee gobolka Gedo.

Duqeymahaas oo waxyeelo u geystay dad u badan carruur iyo haween ku noolaa dhul miyi ah oo katirsan Gedo.

AMISOM waxay sheegtay in ay ku howlan tahay aruurinta macluumaadka ku saabsan dhacdada la soo sheegey, iyaga oo si dhow ula shaqeyn doona Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan dhinacyada ay quseyso inta ay baareyso eedeymaha loo jeediyay ciidamada Kenya.

"AMISOM waxaa waajib ku ah inay si habsami leh uga fuliso howlaheeda loo igmaday gudaha Soomaaliya taasoo la jaanqaadaysa waajibaadka Ciidankeeda, iyadoo la raacayo dhamaan waxyaabaha ay khuseyso. Sidaas darteed waxaa ka go'an inay baaraan dhammaan eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqda Aadanaha ee ay geysteen ciidamadeeda. Marka laga hadlayo tan AMISOM, waa in ay si buuxda u baarto shilka dhacay iyo in waxa ka soo baxa lala wadaago daneeyayaasha ay khuseyso," ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay walaac xooggan ka muujisay duqeymaha aan kala sooca lahayn ee diyaaradaha Kenya ka geysanayaan gobolka Gedo, waxayna dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Midowga Afrika oo maamula howlgalka Amisom.

Welise dowladda Kenya kama hadlin eedeymaha loo jeediyay, waxayna arrintaan kusoo aadaysaa xilli labada dal uu ka dhex taagan yahay khilaaf adag oo sababay in hawada la kala xirto.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online