4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 6 , 2021
Natiijada doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee gobolka iyo degmada ugu codka badan Somaliland oo lagu dhawaaqay
 

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee degmada Hargaysa iyo gobolka Maroodijeex, oo aad loo sugayay ayaa lagu dhawaaqay.

Natiijada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmada Hargaysa waxa hogaaminaya xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo helay 7 xildhibaan, xisbiga Kulmiye ayaa ku xiga oo helay 6 xildhibaan, halka xisbiga UCID uu ka helay 4 xildhibaan.

Musharaxa ugu codka badan doorashada golaha deegaanka Hargaysa waa Cabdikariin Axmed Mooge oo ka sharaxnaa xisbiga Waddani, wuxuna helay 26,290 cod, waana guul taariikhi ah oo aan abid lagu arag doorashooyinka Somaliland.

Natiijada hordhaca ah ee golaha wakiilada gobolka Maroodi-jeex waxa hogaaminaya xisbiga talada haya ee Kulmiye oo helay 8 xildhibaan, xisbiga Waddani ayaa ku xiga oo helay 7, halka xisbiga UCID uu helay 5 xildhibaan.

Musharaxa kusoo baxay codka ugu badan doorashada golaha wakiilada gobolka Maroodi-jeex waa Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo helay 20,231 cod.

Guusha uu Batuun gaadhay ayaa ah mid taariikhiya oo  u soo hoyatay musharaxan kasoo jeeda bulshada aan mudada dheer matalaada ku yeelan golayaasha Somaliland.

Xildhibaanada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ayay tiradoodu dhantahay 20 xildhibaan, halka xildhibaanada golaha deegaanka degmada Hargaysa ay yihiin 17 xildhibaan.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]