4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 4 , 2021
Somaliland: Natiijooyin cusub oo doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka ah oo lagu dhawaqay

Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Borama iyo Burco, sidoo kalena waxa lagu dhawaaqay natiijada golaha baarlamaanka ee gobolka Sanaag.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Borama xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa ka helay tiro xildhibaano ah oo 5 iyo 5 ah halka xisbiga UCID uu helay 3 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Burco xisbiga Waddani ayaa hogaaminaya oo helay 5 xildhibaan halka xisbiyada UCID iyo Kulmiye ka heleen tiro xildhibaano ah oo 4 iyo 4 ah.

Dhinaca kale natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Sanaag oo lagu dhawaqay waxa hogaaminaya xisbiga Waddani oo helay 5 xildhibaan, Kulmiye ayaa kusoo xiga oo helay 4 xildhiban, halka xisbiga UCID uu ka helay 3 xildhibaan.

Waxa ilaa hada aan natiijada doorashada golayaasha lagu dhawaaqin oo siwayn loo sugayaa magaalooyinka Hargaysa, Berbera iyo Gabilay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]