4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Al-Shabaab oo sheegatay inay gacanta ku dhigeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Jubaland
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Warbaahinta faafisa xogaha ururka Alshabaab ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay  howgal qorshaysan ka fuliyeen jasiiradda Kudhaa, iyagoo guryahooda kala baxay masuuliyiin katirsanaa maamulka Jubbaland.

Alshabaab waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen guddoomiye ku xigeenkii Kudhaa Cumar Cabdulle iyo  saraakiil kale oo qaabilsanaa arrimaha ciidamada.

Sidoo kale, Alshabaab waxaa lasoo weriyay in ay weerar qorshaysan ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ku leeyihiin degmada Afmadow.

Wax faahfaahin ah oo dheeraad ah lagama hayo weerarkaas. Alshababna ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaan.

Maalmo ka hor yay ahayd markii Alshabab weerar ku qaadeen degmada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug, iyagoo ku guul daraystay in ay awood kula wareegaan gacan ku haynta Wisil.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online