4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 29, 2021
Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay guddiga dib-u-heshiisiinta Khilaafaadka Gedo
 

Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagoo tixraacaya heshiiskii 27-kii May 2021, sidoo kale na tixgelinaya baahida loo qabo dardar gelinta geeddi-socodka doorashada magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gedo.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka kooban dowlad goboleedyada, balse waxa aan ku jirin Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xubnaha guddiga la magacaabay in si deg deg ah ay u guda galaan xalinta arrimaha khilaafaadka gobolka Gedo, iyagoo latashiyo la sameynaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Magacaabidda guddigan ayaa qeyb ka ahayd go’aamadii galabta kasoo baxay gabagabada shirkii golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho muddo labo maalin ah uga socday dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xubnaha loo magacaabay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa kala ah:-

Maxamed Cali Caadle,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland

Axmed Madoobe Nuunow,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed

Aadan Cusmaan Xuseen,
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Galmudug

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online