4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 29, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose
 

Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab oo xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Shabaab aay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadoow.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan oo socday ku dhawaad hal saac, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah walow aanan la xaqijjin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Xaalada degmada Afmadoow ayaa ah haatan mid degan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dirirtu ku dhexmartay halkaasi oo ku saabsan dagaalkii dhexmaray.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]