4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2021
Gaari aanan xabada karin oo laga dejiyay garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne

Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne laga soo dejiyay gaari nooca aanan xabada karin ee loo yaqaano Bullet Proof  Car, kaasi oo aay keentay diyaarad nooca xamuulka qaada ah.

Gaarigaan aanan xabada karin ayay diyaarada ka qaaday magaalada Muqdisho, waxayna wararka qaar sheegayaan in loogu talo galay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Warar madax banaan oo aanan la xaqiijina waxay sheegayaan in loogu talo galay in la isticmaalo gaarigaan xabada karin xiliga doorashada ee uu imaanan doono Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafuuda kale.

Lama oga sababta rasmiga ah ee kusoo beegtay in xiligaan oo uu bilaabanayo Ololaha doorashoyinka, laga soo dejiyo magaalada Baledweyne gaarigan nooca aanan xabada karin ee la sheegayo in loo keenay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, kaasoo horay Baledweyne ugu sugnaa muddo 7 bilood ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]