4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle uu ka qeyb galayo shirka wadatashiga doorashada
 

Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Cali Guudlaawe uu shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.

Hirshabeelle ayaa maalintii shalay sheegtay in aysan qeyb ka ahayn shirka golaha wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Maamulka Hirshabeelle wuxuu diidmadiisa sabab uga dhigay  in aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxana aysan noqon doonin wax quseeya maamulkooda.

Si kastabe ha ahaaatee, waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya shirka wadatashiga qaran ee dhameystirka doorashooyinka, kaas oo looga arrinsan doono waxa ka fulay heshiiskii 27 ka may iyo in dib u eegis lagu sameeyo jadwalka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online