4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2021
Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Wisil
 

Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay iska caabinta Shacabka iyo Maamulka magaalada Wisil ay kaga hortageen duullaan qorsheysan oo ay Alshabaab ku dooneysay in ay ku qabsato gacan ku heysta maamulka magaalada Wisiil.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareysay weerarkaas, islamarkaana waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehallada dadkii ku dhintay dagaalka shalay waaberigii Alshabaab ku soo qaadeen deegaankaasi.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxman Yusuf Alcadaala ayaa yiri “Xukuumaddu ayadoo dhiirrigalineysa guusha shacabka magaalada Wisil waxa ay qaadday tallaabooyin degdeg ah oo gurmad loogu fidinayo dadka shacabka ah ee waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi iyo qaraxyo ay dhulka galiyeen nabad diidka Al-Shabaab”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Alshabaab weerarkaas kala kulmeen qasaare dhan 41 dagaalame in looga dilay, halka dhaawacooduna uu intaas kasii badan yahay sida ay dowladdu ku sheegtay warkan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online