4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 27, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo waabarigii saakay ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug
 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi aroornimadii hore ee saakay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka Daraawiishta maamulka Galmudug iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab aay weerar qarax ku bilaawday ku galeen gudaha deegaanka Wisil, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya dagaalka ayaa sheegaya inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida aay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Saraakiil u hadashay ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa sheegeen iney iska caabiyeen weerar culus oo kaga yimid dagaalamayaasha Al-shabaab ayna dib kasoo sheegi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Wisil oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee gobolka Mudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]