4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 27, 2021
Hirshabeelle oo shaacisay ineysan qeyb ka aheyn shirka maanta ka furmaya Muqdisho
 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay inaysan qeyb ka heyn shirka lagu wado inuu maanta Muqdisho uga furmo golaha wadatashiga qaranka, kaasoo uu iclaamiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay in waxii kasoo baxa shirka wadatashiga qaran aysan quseynin maamulka Hirshabeelle, balse aay dhowri doonaan fulinta heshiiskii17-kii September iyo kii 27-kii May lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Warkan kasoo baxay Hirshabeelle ayaa imaanaya iyadoo maanta lagu wado inuu furmo shirka madasha qaran oo aay diyaar u yihiin ka qeybgalkiisa madaxweynayaasha Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa ku maqan dalka Turkiga dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, lama oga waxa aay ka badali karto mowqifka shirka madasha qaran diidmada Hirshabeelle ee ah ineysan qeyb ka aheyn shirka wixii kasoo baxana aysan quseynin.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay maamulka Hirshabeelle.

Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka,  Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.

Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan  talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii  kasoo baxa ma noqon doonaan  wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]