4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Wasiirka amniga Puntland oo ka hadlay weerar Daacish la beegsatay wafdi uu hoggaaminayay
 

Sabti, Juun, 26, 2021, (HOL) - Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan ayaa ku eedeeyay kooxda Daacish in ay ka dambeeyaan qarax maanta barqadii kolonyo uu hoggaaminayay lagula eegtay meel qiyaastii 20km ujirta degmada Balidhidhin ee gobolka Bari.

Wasiirka amniga oo la hadlay BBC Somali, ayaa xaqiijiyay inuu hal askari ka dhintay, labo kalena ay kaga dhaawacmeen qaraxaan oo loogu aasay wadada dhinaceeda

Cabdisamad Gallan ayaa sheegay qaraxa kadib in ay ciidamadu howlgallo ka bilaabeen buuraha ku dhow aagga, halkaas oo uu sheegay in ay ku tuhmayaan kooxda soo abaabushay weerarkan.

“Koox Daacish ee halkaan ku dhuumalaysata, ma ahan koox usoo bareeri karta ciidamada oo buuraha kasoo dagi kara. Waxa kaliya ee ay awoodaan waa in ay Miino meel ku aasaan ama si gaadmo dadka u beegsadaan,” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Gallan wuxuu  sheegay inta ay ku sugan yihiin degmada Balidhidhin in ay Daacish ka sifayn doonaan dhulka ay kaga sugan yihiin.

Puntland ayaa sanadkii hore gacanta ku dhigtay dagaalamayaal katirsan kooxda Daacish kadib howlgallo laga sameeyay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online