4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka amniga Puntland oo qaraxyo lagula beegsaday degaano katirsan gobolka Bari
 

Sabti, Juun, 26, 2021, (HOL) - Wararka Hiraan Online kasoo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayay wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan lala beegsaday labo qarax oo loogu qariyay wadada xilli ay safrayeen.

Ugu yaraan hal askari ayaa la sheegay inuu  dhintay, labo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii mid kamid ah gaadiidka galbinayay masuuliyiinta uu qaraxu haleelay.

Weerarkan ayaa ka dhacay wadada gasha tuulada Balidhidin ee gobolka Bari, halkaas oo ay masuuliyiintu ku wajahnaayeen, iyagoo kasoo laabtay degmada Xaafuun oo ay labo maalmood ka hor kasoo dhagax dhigeen mashaariic horumarineed oo dhinaca biyaha ah.

Lama sheegin khasaare kale oo ka dhashay weerarkan.

Goobta lagu beegsaday masuuliyiinta Puntland waxaa dhaqdhaqaaqyo ka sameeya oo dhuumaalaysi ku joogo kooxda Daacish oo dhowr jeer ciidamada Puntland halkaas kula dagaalamay.

Wixii faahfaahin oo kusoo kordha kala soco Hiiraan Online

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online