4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Askar ku dhimatay rasaas loo ridaayay dabaaldega Munaasabadda 26-Juun
 

Sabti, Juun, 26, 2021, (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in laba askari aay ku geeriyoodeen rasaas loo ridaayaay dabaaldega munaasabadda 26-Juun oo ah 61 sano guuradii kasoo wareegatay markii goboladda Waqooyi ka xuroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Goobta munaasabadda ka dhaceysay waxaa ku sugnaa madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana rasaasta badan ee la ridaayay iyo geerida labada askari oo ka kala tirsana ciidamada Militariga Soomaaliya iyo kuwa Haramcad aay sababtay cabsi xoogan oo soo wajahday madaxdii ku sugneed goobta munaasabadda ka dhaceysay.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay laamaha amniga ee maamulka Hirshabeelle oo la xariira falkii xalay ay ku dhinteen labada askari xili aay socotay munaasabadda dabaaldega 26-Juun, taasoo xata cabsi ku abuurtay dadka ku nool magaalada Jowhar oo sida aay sheegeen u qaatay rasaasta dhaceysay mid dagaal ah.

Goobaha lagu xuso munaasabadaha lagu weyneeynayo maalmaha Xoriyada dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca inta badan khasaare ka dhasha rasaasta faraha badan ee ciidamadu ridaan inta aay munaasabadda socoto.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]