4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xuska ay dowlada Soomaaliya u samayso 26 Juun
 

Sabti, Juun, 26, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa gardaro aan loo dulqadan karin ku tilmamay in dowlada Soomaaliya xusto 26 Juun.

Madaxweynaha ahaa sheegay in ay meel kadhac tahay in la yidhaa 26 Juuni baa Xamar laga xusayaa.

"Maanta Xamar waxay leedahay waxanu u debbaal dagayna goboladi waqooyi xoriyadoodi, anuu meel kadhac kawayn iyo gardaro inta ka badan garan maayo" ayuu yidhi.

"In caawa Xamar ay tidhaahdo Somaliland anaga ayaa xukuna, waa goboladi waqooyi oo waxanu u debbaal degayna xoriyadoodi" ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la yaabanyahay dadka reer Somaliland ee ka qayb gala munaasibada 26 Juun ee Muqdisho lagu qabto.

"Waxan la yaabanahay qolada Somaliland ee taa kala qayb galaysa, ee ugu sacabinaya" ayuu yidhi.

Dowlada Soomaaliya  ayaa si lamida Somaliland xus u samaysa xuska 26 Juun oo ku taariikhaysan markii ay Somaliland xornimada ka qadatay Ingiriiska 26, Juun 1960.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]