4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 23, 2021
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daah-furtay Siyaasada Qaran ee Shaqaalaynta Soomaaliya


Arbaco, Juun, 23, 2021 (HOL) - Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga daahfurtay siyaasadda qaran ee Shaqaalaynta, munaasabad ka dhacday caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay , Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xildhibaanno, saraakiil sare oo ka socday xafiisyada hay’adaha Dawladda, wakiilada beesha caalamka  iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ku tilmaamay daahfurka siyaasadan, inay fure u tahay dadaallada lagu dhimayo shaqo la’aanta ay wajahayaan bulshada Soomaaliyeed oo dhallinyarada ay ugu horreeyaan.

“Markaan dib u eegno hawshii badnayd iyo waqtigii dheeraa ee lagu bixiyay Siyaaddan Qaran ee Shaqaalaynta waxaan dhihi karnaa guul wayn ayaan gaarnay inaan maanta daahfurayno. Siyaasaddani waxay saldhig u tahay kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha, wax ka qabashada shaqa-la’aanta iyo si buuxda sare ugu qaadida wax soo saarka dalka.

Waddanka Soomaaliya waxaa ka jirta shaqo la’aan aad u baahsan iyadoo qiyaastii 49% ay shaqo la’aan yihiin dadka da’doodu u dhaxayso 15 – 64 sanno.  Si haddaba arrintan wax looga qabto, siyaasaddan waxaa saldhig u ah Qorshaha Qaran ee Horumarinta (National Development Plan – NDP-9), taasoo ah: Gaaritaanka shaqaalaysiin u-qalanta oo waxtar u leh dhammaan bulshada kuwaasoo dhawraya xorriyadda, sinnaanta, ammaanka iyo sharafka qofka.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

Wasiirka wuxuu inta ku daray si xal loogu helo xaaladda shaqo la’aan ee waddanka in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay ku dadaalayso fulinta saddexda ujeeddo waawayn ee Siyaasaddan oo kala ah:

•Samaynta nidaam maamul ee shaqaalaysiinta sida golaha shaqaaleysiinta.

•Sare u qaadida iyo kobcinta shirkadaha yar-yar iyo kuwa meel- dhexaadka ah.

•Sare u qaadida qaybaha ganacsiga ee shaqooyin badan abuuri kara.

Iman Jama, Hiiraan Online