4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
In kabadan 700 oo caruur ah oo lagu dilay Soomaaliya sanadkii 2020- sida lagu sheegay warbixin UN-ka
 

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - In ka badan 700 oo caruur ah ayaa lagu diley ama lagu naafeeyey Soomaaliya sanadkii 2020 kadib xadgudubyo ay geysteen kooxda  Al-Shabaab, ciidamada dowladda, maleeshiyo beeleedyo iyo AMISOM, sida  lagu sheegey warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa xustay in 222 carruur ah la dilay halka 481 la naafeeyey. Tirada kamid ah dhibbanayaasha oo dhan 252 waxaa lagu eedeeyay Al-Shabaab halka ciidamada dowladda  ay mas'uul ka ahaayeen 43 kiis.

Warbixintu waxay sidoo kale ciidanka Booliska Soomaaliya ku sheegtay in ay ka masuul yihiin 35 kiis oo lagu dhibaateeyay carruurta, halka dowlad goboleedyada kiisas intaas ka yar laga diiwaan galiyay deegaanadooda

Khasaaraha ugu badan oo gaaraya 158 kiis, waxaa warbixinta lagu sheegay inay ka dhasheen waxyaabaha qarxa ee macmalka ah waxaana ku xiga is rasaaseyn dhex martay kooxo hubeysan oo ay ku wax yeeloobeen 155 carruur ah.

Ciidamada Amisom ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay geysteen shan kiis, halka ciidamada difaaca Kenya ay warbixinta ku xustay saddex kiis. Waxaa jirta tiro dhan 296 kiis oo dusha loo saariyay kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in 1,442 wiilal ah iyo 53 gabdhood oo qaarkood ay da`doodu yartahay sideed sano ay qoreen Al-Shabaab iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Kiisaska badankooda oo gaaraya 1,169  waxaa qortay Al-Shabaab, waxaana ku xigay 100 kiis oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed halka 74 ka mid ah ay qorteen Ciidanka Xoogga Dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online