Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku caddeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.
newsinsideGuddiga ayaa balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan iyo inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, kana hortago ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.
Guddiga ayaa intaas ku sii daray inuu si dhow ula socon doono ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online