4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Ciidamada Xoogga dalka oo dagaal culus kadib la wareegay deegaanka Orshe ee gobolka Galgaduud
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal xoogan oo aay la galeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo qiyaastii 50KM dhinaca Bari kaga beegan degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii weerar culus aay ku qaadeen ciidanka Xoogga deegaanka Orshe oo aay horay ugu sugnayeen dhaqdhaqaaqa Shabaab.

Dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogana oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha Xoogga dalka ayaa sheegtay iney guulo ka gaareen dagaalkii saaka waaberigii kula galeen Al-shabaab deegaanka Orshe islamarkaana aay haatan gacanta si buuxda gacanta ugu hayaan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku aadan dagaalka waabarigii maanta ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda oo aay Saraakiisha dowladda ku sheegteen iney deegaanka kala wareegeen gacan ku heyntii Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]